Alshabaab oo Toogatay Dad ay ku Eedeeyeen in ay la shaqeeynaayeen Dawlada Soomaaliya Kenya iyo Qaramada midoobay

Dadka la toogtay oo dhammaantood Rag ahaa, waxay maxkamadda Al-shabaab ku tilmaantay, in ay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya, Maraykanka, Kenya iyo sidoo kale Qaramada Midoobay.

Maxamed Aaden Xassan, Cismaan Faarax Dhaqane, Cali Cadiraxmaan Cabdi iyo Cabdi Sahal Dhabbar Cabdi Xarqi, ayay Al-shabaab ku sheegtay magacyada marxuumiinta lagu dilay Saakow.

Waxaa xusid mudan, in aysan goobta ku soo bandhigin caddayma muujinaya xiriir ka dhexeeyay ragga la toogtay iyo dalalka lagu eedeeyay in ay baasiin u ahaayeen.

Al-shabaab ayaa todobaadyadii u dambeeyay dilal ku fulinayay dad kala duwan, oo ay ku eedaynayeen basaasiin, kuwaas oo lagu toogtay degmooyin ku yaalla gobollada Gedo iyo Jubada dhexe.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com