Itoobiya oo digniin u jeedisay Somaliland iyo Masar

Dowladda Ethiopia ayaa Sheegtay, in Xiriirka Masar ay doonayso in ay la samaysato dalal ku yaalla Bari Afrika, loo baahan yahay in aysan waxyeeleeyn  Danaha Ethiopia.

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia Dina Mufti, ayaa sheegay in Masar ay tahay Waddan madax-bannaan oo xaq u leh, in ay xiriir la yeelato dal kasta oo ku yaalla Gobolka, balse ay waajib tahay in xiriirkaasi uusan wax yeelin Xasiloonida Ethiopia.

Dhowaantanba, waxa soo baxayay warar sheegaya, in Masar doonayso in ay saldhig Militari ka samaysato Somaliland, oo ah dowlad ka go’day Waqooyiga Soomaaliya, balse aan weli loo aqoonsan dal madax-bannaan.

Dabayaaqadii bishii Luuliyo, wefdi ka socda Dowladda Masar ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana sida la soo weriyay ay ka dalbadeen in ay saldhig Militari ka samaystaan Qaybta Waqooyi Galbeed ee Gobolkaasi Somaliland.

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia, wuxuu sheegay in ay si dhow ula socdaan Arrintaas, islamarkaana ay Khad cas uga dhigantahay Ehiopia, isagoo intaas ku daray in ay Xiriir saaxibtinimo la leeyihiin Somaliland, inkastoo aysan Dowlad madax-bannaan u aqoonsanayn.

Qubarada ku xeeldheer Arimaha  Geeska Afrika , ayaa u arka Tallaabada Masar tahay mid ay  uga aar-gudanayso Dowladda Soomaaliya, oo taageertay Xaqa Ethiopia u leedahay Dhismaha Biya-xireenka Webiga Niilka, ee ku kacaya $ 5 Bilyan oo Dollar, kaas oo ay ku muransan yihiin Masar iyo Ethiopia.

Kadib markii ay fashilmeen Wada-hadalladii Maraykanku maalgeliyay ee la qabtay bishii Febraayo,  kuwaas oo u dhexeeyay Masar Ethiopia iyo Suudaan, Midowga Afrika wuxu bishii June isku keenay saddexda dal, si loo sii wado Wada-xaajoodka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com