Qaramada Midoobay sheegtay in boqolaal kun oo Ruux ay ku barakaceen Soomaaliya

Hay’adda UNHCR, ayaa sheegtay in dad gaaraya 650, 000 oo ruux Soomaaliya ku bara-kaceen tan iyo bilowgii Sannadkan 2020, sababa la xiriira daadad iyo fatahaado ka dhacay Dalka.

Qoraal ka soo baxay Hay’adda, ayaa lagu sheegay in laga soo bilaabo bishii June ee Sannadkan, in ka badan 150, 000 qof ay guryahooda uga bara-kaceen fatahaado ka dhacay Koonfurta Soomaaliya. Sida ay Hay’addu sheegtay.

Dadkaas waxa ku jira ilaa 23,000 oo ruux, kuwaas oo Fatahaadda ku bara-kacay todobaadkii la soo dhaafay oo keliya.

UNHCR, waxay sheegtay inshacabka  ku dhaqan Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ay yihiin  kuwa ugu badan ee ka bara-kacay guryahooda, kadib markii ay si ba’an u saamaysay Fatahaadda Webiga, islamarkaana ay u baahan yihiin in la gaarsiiyo gurmad deg deg ah.

Hay’addu waxay tilmaantay, in qaar badan oo kamid ah Barakacayaashu ay ku sugan yihiin gurya ciriiri ah oo ka samaysan Cooshado, kuwaas oo unugul in ay saameeyaan Isbeddelka Cimilada, khatarn ugu jira dambiyo ay kamid yihiin kufsiga.

Sidoo kale, waxay sheegtay in Barakacayaasha ay soo wajahday cunta la’aan iyo nafaqa-darro baahsan, gaar ahaanna Carruurta ku nool Xeryahaas Barakacayaasha oo sidoo kale wajahaya xanuuno uu kamid yahay Shuban-biyoodka.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com