Sarkaal ka Tirsan Ciidanka Nisa ee degmada Guriceel oo Qarax ka badbaaday

Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya  in sarkaal ka Tirsan hay,adda Nisa uu ka badbaaday Qarax Bambaano oo lagu weeraray Guri uu ku lee yahay Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud

Sarkaal la weeraray ayaa lagu magacaabaa cabdilaahi Cabdi Raage waxana uu ka mid ahaa jiray saraakiishii Ahlusunna ee Degmada Guriceel  markii dambena ku biiray Ciidanka Saraakiisha Ciidanka Nisa ee gobolka galgaduud

Sarkaalka Weerarka ka badbaaday ayaa la sheegay in sanadkii 2019ka uu gacanta ku dhigay in Doonayay in uu isku qarxiyo munaasabad ka dhaceysay Degmada  degmada Guriceel oo ay ka qayb galayeen saraakiil ka Tirsan Ururka Ahlusunna ee gobolka Galgaduud

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com