TikTok Oo Maraykanka Laga Mamnuucay Iyo Sababta

Dalka Maraykanka ayaa waxa laga mamnuucay shirkadda TikTok ee ByteDance taasi oo muddooyinkii danbe wajaahysay eedeymo kala duwan oo uga imaanayay waddamo badan oo Caalamka ah.

Madaxweynaha dalka Maraykan Donald Trump ayaa saxiixay sharci shirkaddaan dalka looga mamnuuci karo, waxaana la sheegay in Madaxweynuhu uu saxiixay sharcigaas.

Sababaha ugu weyn ee shirkaddaan dalka looga mamnuucayo ayaa lagu sheegay in Tik Tok ay u basaasto dalka Shiinaha, iyadoo ay xusid mudan tahay in xiriirka u dhexeeya labada dal uu soo xumaanayay.

Sidoo kale waxaa ay Maraykanku ay ku hanjabeen in ay dalkooda ka joojin doonaan shirkado kale oo xiriir dhaw la leh shirkadda TikTok ee ByteDance.

Waxaa la sheegay in ay isticaalaan shirkaddani xogaha khaaska ah ee dadka adeegsada TikTok, waana sababta ugu weyn ee marakanku u mamnuucayo, waxaana jirtay in ay jireen shirkado kale oo laga joojiyay dalkaas.

Khilaafka u dhexeeya labada dal ee Marakanka iyo Shiinaha ayaa marba mark aka danbeysa sii xumaanaya, eedeaha ay labada dal isku jeedinayaan ayaa soo badanaya, midba mid ka kale ayuu eedo gaar ah usoo jeediya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com