Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka oo qaadaya go,aano saameyn ku yeelanaya Soomaalida

Madaxweynaha la doortey Joe Biden ayaa marka uu fariisto Aqalka Cad waxa uu bedeli doonaan dhowr ka mid ah siyaasadihii madaxweyne Donald Trump.

Madaxa Aqalka Cad ee maamulka Biden Ron Klain ayaa sheegey Sabtidii in Biden uu qaadi doono dhowr tallaabo oo deg deg ah isagoo saxiixi doona amaro madaxweyne, wuxuuna golihiisa wasiiradana fari doona in ay fuliyaan ballamadii uu qaadey.

Klain ayaa sheegey in Maalinta caleema saarka uu Biden saxiixi doono in ka badan toban amar madaxweyne oo qaarkood meesha looga saarayo afar xaaladood oo deg deg ah oo lagu soo celinaayo bani’aadanimadii nidaamka hayadaha socdaalka dalka iyadoo dowladana ay u shaqeyneyso dadka.

Isbedelka la filaayo Biden inuu ku sameeyo xayiraadii socdaalka ee la saarey dhowr dal oo badankoodu Muslimiin yihiin, Soomaaliyana ay ka mid tahay ayaa la sheegayaa in Saameyn ay ku yeelan doonto dadka Soomaaliyeed ee ay ehelladooda u dacwoonayeen iyo kuwii qaxootiga lagu keeni jirey.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com