Faah Faahino ka soo baxaya Kulan Muqdisho ku dhexmaray Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Ra’iisul Wasaare Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa looga hadlay dar-dargalinta hannaanka doorashooyinka, sugidda amniga iyo horumarinta deegaannada Hirshabeelle.

Ra’iisul wasaaraha Rooble ayaa kala hadlay Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen sidii dib u heshiisiin ballaaran looga sameeyn deegaanadda dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Maamulka Cali Guudlaawe ayaa laf dhuun gashay waxaa ku noqday Janaraal Xuud iyo Xubnaha uu Hogaaminaayo kuwaas oo  diiday in Magaalada Baladweyne lagu qabto Xaflada Caleemo saarka ee Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com