Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Alshabaab

Wasiirka Amniga Maamul goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ku dhawaaqay Dagaal  balaaran oo ka dhan -shabaabka ku sugan degaanada hoostaga Degmada Bacaadweyne ee gobolka Mudug

Wasiir Fiqi sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya oo isugu jira kuwa militariga iyo nabadsugida intaba diyaar u yihiin in ay Al-shabaab kula dagaalamaan deegaannada ay hadda gacanta ku hayaan ee Galmudug ka Tirsan.

Al-shabaab ayaa Muddooyinkii U danbeeyayba weertaro ka geysanayay gobolka Mudug waxaana jirtay in Alshabaab dhawaan ay weerareen Degmnada Bacaadweyne ee gobolka Mudug Halkaasi oo ay kula dagaalameen Dad shacab ah iyo Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka iyo Kuwa Maamulka Galmudug.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com