Beesha Caalamka oo wada dadaalo laysugu soo dhaweeynaayo Dawlada Federaalka iyo Xubnaha Mucaaradka ah

Mas,uuliyiinta Wadamada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay isugu kenayaan Dawlada Federaalka nSoomaaliya iyo Musharixiinta Mucaaradka ah.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swon iyo Safiirada Dalalaka kale ee Caalamka ee ku sugan Soomaaliya ayaa wada qorshe laysugu soo dhaweeynaayo Madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Midowga Musharixiinta kuwaas oo doodan dadaalada Dawlada Federaalka Soomaaliya ay  dooneyso in Dalka doorasho ay ka hergeliso.

Xubnahaan ka socda Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoonbay ayaa doonaya in Bisha Febraayo ee Sanadkaan doorashada ay qabsoondo Dalka  waxaana Dawlada Federaalka ay Taageero ka heysataa Maamulada Hirshabeele, Galmudug iyo Koofur Galbeed Halka Mamulada Puntland iyo Jubland ay diidan yihiin qaabka ay dawlada Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in doorasho dalka ay  kaga hergeliso.

Mucaaradka Dawlada Federaalka Soomaaliya ee diidan sida ay dawlada Federaalka ku dooneyso in doorasho dalka ay kaga  hergeliso ayaa Taageersan Dadaalada Xubnaha Besha Caalamka ay ka wadaan Soomaaliya ee la xiriira qabsoomida doorashooyinka Dalka iyo sida beesha Caalamka ay kaga go,antahay  in doorashada waqtigeeda ay ku dhacdo.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com