Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo ka Tacsiyadeeyay geerida Xasan Abshir

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ka Tacsiyadeeyay geerida Xasan Abshir Faarax oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii ka jiray Soomaaliya

qoraal uu soo dhigay bartiisa face buugga ayuu Cali Maxamed Geedi Tacsida ugu diray Eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Marxuum Xasan Abshir Faarax

qoraalka uu Cali Maxamed Geedi soo qoray ayaa u qornaa sidaan.

Anigoo ah Ra’iisul Wasaaririhii Hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, kuna hadlaya magaca qoyskeyga, ka asxaabteyda gaar ahaan xubnaha Golihii Wasiirrada ee aan hoggaaminayey Dowladdii Federaalka KMG ahayd, waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii TNG ee Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan kaddibna Wasiir ka noqday Xukuumaddii aan anigu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa ee Dowladdii AUN Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, marxuum Xasan Abshir xalay ku geeriyooday dalka Turkiga. Waxaan leeyahay Ilaahay marxuumka ha u naxariisto, hana ka waraabiyo jannatul firdowsa; samir iyo iimaanna ha ka siiyo qoyskiisa, ehelada, asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.