Ciidamada Dowladda oo lagu eedeeyay inay dhac ka bilaabeen Beled Xaawo

Ciidamadii ay Dowladda Somaliya u daabushay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa lagu eedeeyay inay durbaba dhac ka bilaabeen degmadaasi, xilli ay maalmo qura jooggaan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa Ciidamada Dowladda ku eedeeyay inay dhibaato ka wadaan Degmada Beled Xaawo.

Afhayeenka ayaa sheegay inay tani muujineyso dhac uu ku eedeeyay inay durbaba kula kacayan bulshada kala duwan ee ku dhaqan degmadaasi, sida uu yiri.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray inay Ciidamada Dowladda qalqal ku hayaan dadka reer Beled Xaawo, oo sida uu sheegay ku noollaanayay amni iyo xasilooni, in muddo ahba.

 

Xafiiska Wararka, Muqdisho.

Info@aragticusub.com