Dhageyso: Ra’iisal Wasaare kheyre oo ka hadlay dib u habeynta Hay’adaha Cadaalada

Ra’iisal Wasaarha Xukuumada Soomaliya  Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabdda xuska Sanad guurada 50-aad ee aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray dib-u-habeyntii lagu sameeyay amniga Dowlad wanaagga iyo dhaqaalaha, loona baahan yahay in dib-u-habeynta caddaaladda lagu dedaalo. Waxuu Ra’iisul Wasaaruhu intaa raaciyay in si cadaalladda loo horumariyo ay muhiim tahay in la iska kaashado ka gudbidda dhammaan caqabadaha, Ciidanka Qarankuna ay noqdaan Albaabka cadaallada laga gelayo, maadaama Bulsho aan cadaalad haysan, ayan heli karin midnimo, kalsooni, horumar, qab-weyni, is-aaminaad iyo dhiirranaan. Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeey Ciidamada Asluubta iyo Qoysaskooda ayaa sheegay in Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ay shaqadoodu tahay toosin, barbaarin, anshixin, wacyi gelin, dib-u-caawin Dad Soomaaliyeed oo si ay noloshu uga qaldantahy, kuna soo celiyaan bulshada si ay uga qayb qaataan dib-u-dhiska iyo dib-u-yagleelidda Qarannimada Soomaaliyeed