Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Howlgalka ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa Maanta oo khamiis ah ay ka sameeyeen deegaano u dhow degaanka janaale ee gobolka shabellaha Hoose.

Saraakiisha howlgalka hogaamineysay ayaa sheegay in ujeedkooda uu ahaa xaqiijinta Amniga, isla markaana howlgalka ay ku dileen Shan kamid ah dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen inay howlgallada ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga degaannada u dhow degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhowr jeer ayaa Al-Shabaab waxaa ay weerar kusoo qaadeen fariiwinka Ciidamada dowladda ee degaanka Janaale, halka mararka qaar Ciidanka dowladda ay dhankooda weeraraan fariisimaha Al-Shabaab.