Dowladda Somalia oo guulo ka shegatay dagaal kadhacay degmada Balcad

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay dileen ugu yaraan sagaal ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo saakay weerar gaadmo ah ku qaaday qaybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

Taliska Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aya xiriirtay Wakaalada  Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in madaafiicda iyo rasaasta ay adeegsanayeen Al-Shabaan ay ku dhinteen shan qof oo rayid ah ayna ku dhaawacmeen tiro kale.

Taliska ayaa intaa ku daray inay cashar lama ilaawaan ah u dhigeen Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab la soo qalday, kuwaas oo soo weeraray degmada Balcad.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com