129 Neef lo, ah oo la geeyay xaruunta baadi qabadka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgal lagu soo aruurinaayo Xoolaha, gaar ahaan Lo’da, taasoo nadaafada Magaalada muqdisho hoos u dhigtay sidda uu sheegay Duqa Magaalada Muqdisho

Howlgalkii maanta oo ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay 129 Neef oo Lo’ ah, kuwaasi oo loo kaxeeyay Deegaanka loogu talagalay in lagu xareeyo, taasi oo la yiraa Xerada Baadi-qabad.

“Iyadoo la fulinaayo amarkii Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa Maamulka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxa uu Waddooyinka degmadaasi mara ka soo aruuriyay 129-Neef oo Lo’ ah kuwaas oo caqabad ku ahaa bilicda iyo horumarinta Caasimadda” ayaa lagu yiri War ka soo baxay maamulka goblka Banaadir, iyadoo Xoolahii ugu badnaa laga soo aruuriyay Suuqa Beerta ee degmada Waabari oo Ganacsatadda Khudaarta hory u sheegeen in xoolaha ay dhibaato ku hayaan.

Maamulka gobalka Banaadir ayaa dhawaan xariga ka jaray Xarun gaar ah oo lagu magacaabo Baadi-qabadka oo lagu haayo xoolaha magaalada dhibaata ku hayaan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com