Doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka oo ka dhacday Magaalada Jowhar

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa Magaalada Jowhar Maanta ku qabtay doorashada kursiga Hop#009, kaas oo kamid ah kuraasta ugu dambeeysa ee taallay Magaalada jowhar.

Kursiga ayaa waxaa ku tartamay Cali Xasan Ibraahim & Cabdisataar Cabdisalaann Xasan Barsane oo kursigaan horay ugu fadhiyay, balse waxaa ku guuleystay Cali Xasan Ibraahim (Cali Gaab)

Guddiga doorashooyinka hir-Shabeelle ayaa natiijada doorashada ku dhawaaqay ayaa sheegay in musharixiinta ay codad ay u kala heleen Cali Xasan Ibraahim (Cali Gaab) 67 cod halka Cabdisataar Cabdisalaann Xasan Barsane uu helay 33 Cod, waxaana halkaabay hal cod.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa u harsan in la qabto doorashada Saddex kursi oo ay ku kala fadhiyaan Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Amniga ee hadda Cabdullaahi Maxamed Nuur & Kursiga ay ka geeriyootay Marxuumad Aamino Maxamed Cabdi.