Dowladda oo soo Bandhigtay Askarigii xalay dilka ka geystay Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo Bandhigay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo xalay laba ruux oo shacab ah ku dilay agagaarka Isgoyska Jubba ee Magaalada Muqdisho.

Askariga dilka geystay ayaa lagu magacaabaa Xasan Aadan Xasan oo 24 jir ahna D/Le Booliis, kaasi oo xalay Wiil iyo gabar si bareer ugu dilay agagaarka Isgoyska Jubba xili ay isku diyaarinayeen inay fuliyaan amarka Bandowga ah ee Muqdisho lagu soo rogay.

Sidoo kale Taliska Booliska dowladda ayaa shaaca ka qaaday in Askariga gacanta lagu dhigay lana xiray, isla markaana la horgeyn doono Maxkamad, si loo marsiiyo sharciga, maadaama uu geystay dil bareer ah.

Labada Marxuum ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Madiino Cabdullaahi Cabdi oo 17 jir ah iyo Xasan Cali Cadaawe 24 jir ah, kuwaasi oo u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare jirka.

Dilka kadib ayaa waxaa Isgoyska Jubba xalay ka dhacay  Banaanbax xoogan oo looga soo horjeedo dilkii loo geystay labada Marxuum, waxaana dadka dhigaayay Banaanbaxa ay gubayeen taayaro waaweyn.