Dowlada oo ku howlan joojinta shir maalinta bari ah ka dhici raba Muqdisho.

Muqdisho,Warar hoose oo aynu helay ayaa sheegaya in labadii maalin ee ugu dambeysay dowlada ku mashquulsaneed joojinta shir ay leeyihiin odayasha dhaqanka,waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Mudulood.

Shirkaan ayaa ah mid looga hadlayo arimo badan oo siyaasada dalka gaar ahaan maqaamka Caasimadda.

Wararka ayaa tilmaamaya in dowlada awoodeeda dhan isugu geynayso sidii shirkaas loo baajin lahaa.

Dad ku xiran Madaxtooyada ayaa xalay kulan la qaatay odayaasha hor kacaya howshaas balse ku guuldareestay in ay go,aankooda ku qanciyaan.

Mas,uuliyiin ku xiray madaxtooyada ayaa haatan wada qorshe kale oo ay ku baajinayaan shirka gaar ahaan in la xiro wadooyinka iyo digniino loo diro Hotelka la qorsheynayo in shirku ka dhacdo.

Shirka oo la filayo in maalinta bari qabsoomo ayaa lagu casuumay Madaxweynayaashii hore iyo xildhibaano ka tirsan dowlada kuwaas oo inta badan ka soo horjeeda hanaanta haatan wax u wadaan madaxda Hogaamisa dowlada.

Hadii shirkaan qabsoomo ayaa la filan karaa in ay ka soo bixi doonaan go,aano aysan jecleysan doonin Madaxda sare ee dowlada.

Wixii Warar ah kala soco www.aragticusub.com

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com