Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxa  ayaa ka dhacay Degmadda Hodan, gaar ahaan meel ku dhow Xaruntii hore ee Madaxtooyada ee C/qaasim Salaad Xasan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu qaraxaasi geystay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Warar ayaa sheegaya in miino lagu aasay waddada dhinaceeda ay la kacday Mooto Bajaaj maraysay Waddada, iyadoo uu hal qof oo la socday Mootada uu ku geeriyooday, halka ay dhowr kalena ku dhaawacmeen.

Ggob joogayaal ayaa sheegay in loo gurmaday dadkii ay dhaawacyada soo gaareen, kuwaasi oo loola cararay Isbitaal Madiina.

Ciiddan ka tirsan Booliska ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna bilaabeen baaritaano la xiriira qaraxaasi khasaaraha geystay.

Dhinaca kale, Askari ka tirsan Ciiddanka DFS ayaa saakayto lagu dilay Isgoyska Bakaaraha ee magaalladda Muqdisho, waxayna Goobjoogayaal sheegeen inay rag ku hubeysan Bistoolado ay ka dambeeyeen dilkaasi.