Madaxweyne Ismail Omar Gelle oo xaqiijiyay kulan bari ka dhici doona Jabuuti

Djabuti, Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismail Omar Gelle ayaa goordhaw xaqiijiyay kulan sedex geesood ah oo maalinta bari ka dhici doona Dalka Jabuuti.

Gelle ayaa goordhaw bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in uu qaabili doono shir si fool ka fool ah ku dhex mari doona Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi.

Sidoo kale waxaa uu xusay in kulanka ku casuumay Ra,isul wasaaraha Ethiopia Aby Ahmed isla markaana uu qeyb ka noqon doono shirkaas.

Shirkaan oo ah mid bulshada Soomaaliyeed aad uga war dhowrayaan natiijada ka soo bixi doonta ayaa hadane ah mid ku soo beegmay waqti kala guur ah oo Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo u harsan tahay wax ka yar Sanad.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com