Abdirahman Abdishakuur oo ka digay shirqool lala doonayo siyaasiyiinta ku sugan Galmudug.


Siyaasi Abdirahman Abdishakuur ayaa dowlada uga digay shirqool weerar oo ay la damacsan tahay siyaasiyiinta ka soo horjeeda ee ku sugan Dhuusa mareeb.

Abdirahmaan ayaa bartiisa facbook soo dhigay Fariintaan:

Waxaan xog ku helayaa in rag loo haysto danbiyo dagaal ay magaalada Dhuusamareeb geeyeen farriimo la sheegay in ay madaxda dowladda ka sidaan oo ah in la weeraro siyaasiyiinta ka aragtida duwan hoggaanka Dowladda Federaalka ah. Waxaan ugu baaqayaa saraakiisha ciidanka in ay dibad joog ka ahaadaan loolanka siyaasadeed ee Galmudug ka taagan, kuna ekaadaan sugidda amniga iyo la dagalaanka argagexisada, kuna cibra qaataan kuwa horay danbiyada la geliyey oo waysan meel ay maanta ciirsadaan, raadinayana saraakiil sidooda oo kale danbiyada ku wehashadaan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com