Ra’isal Wasaare kheyre oo Dhuusamareeb kula kulmay Madaxda Dawlad goboleedyada

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali  Kheyre ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubbaland, iyada oo Madaxweynaha Puntland uu aaday Magaalada garoowe Halkaas oo uu kaga qayb galayo Aas loo sameynaayo Ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore Puntland Maxamed Cabdi Xaashi

Wararka ayaa sheegaya kulankaas kulankan mid looga hadlayay Qabsoomida Wajiga labaad shirka Wadatshiga dawlada Federaalka iyo Dawlad goboleedyada.

Kulankan ayaa ah kii ugu  horeeyay oo madaxda Dawlad goboleedyada iyo Ra’iisal Wasaare xasan cali Kheyreay ku yeeshaan Dhuusamareeb , kaddib shirkii laga soo saaray  war murtiyeedka oo ay ugu baaqeen  Madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliya  inay ka soo qeyb galaan wajiga labaad ee shirka Dhuusamareeb

Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa kulan gaar ah Magaalada Dhuusamareeb kula yeeshay Madaxweynaha Jublabd Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan Aqoon satay Madaxweyne Axmed madoobe sheegtayna in uu yahay Madaxweyne kmg ah mudoo labo sano ah xilkaas sii heyn doona