Garoon diyaaradeed oo laga dhisayo duleedka Muqdisho (SAWIRRO)

Dowladda Somaliya ayaa waxay ku hawlan tahay, sidii garoon cusub oo diyaaradeed uga dhisi laheyd meel duleedka Magaalada Muqdisho kaga beegan waqooyi bari.

Tani ayaa waxaa loo baahday, ka dib markii uu soo xoogeystay mashquulka iyo ciriiriga ka jira Groonka Aadan Cadde, lana door-biday in mid kale laga hirgeliyo Magaalada Muqdisho.

Iyadoo muddooyinkii ugu dambeysay ay socotay sahminta halkii laga dhisi lahaa garoonkan cusub ayaa ugu dambeen loo doortay halkaan, oo ah dhul xeebeed, deegaan ahaanba hoos-tagga Gobolka Shabellaha Dhexe.

Tani hadii ay hirgasho dad badan ayaa u arko in ka faaideysan doonan dadka ku dhaqan caasimada iyo gobolka shabelladda dhex .

Hoos kadaawo sawirada