Wasiir Janan oo gaaray magaalada Nairobi kadib doon oo ku gaaray Kismaayo.

Saacado ka dib markii uu Magaalada Kismaayo gaaray, Wasiirkii Amniga Jubbaland ayuu safar ugu amba baxay Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya, halkaasoo uu gelinkii dambe ee Jimcihii gaaray.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa sida la xaqiijiyay waxaa uu dooni ku tagey Magaalada Kismaayo, ka dib markii uu ka raacay Magaalada Muqdisho, wixii ka dambeeyay tan iyo markii uu Talaadadii ka baxsaday xabsiga.

Xildhibaan Coley oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC ayaa soo hadalqaaday in dadka reer Kismaayo iyo Madaxda Jubbaland-ba ay si weyn ugu farxeen markii ay arkayn in Wasiir Janan uu nool yahay.

Wasiir Janan ayaan weli wax war ah siinin Saxaafadda, balse Madaxtooyada Jubbaland waxay ballanqaaday in uu la hadli doono Warbaahinta, waqti aan la shaacin.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com