Farmaajo Mursal iyo Kheyre oo berito hal dal uwada safraya xog muhiima?

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo Raysulwasaare Xasan Cali Kheyre Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxman ayaa maalinta berito lagu wadaa in ay u wada safraan Dalka Jabuuti sida ila wareedyo muhiima Aragtidacusub Media Group u xaqeejiyeen.

Dhamaan madaxdaan oo kusii jeedaa Dalka Jabuuti waxaa lagu wadaa in ay halkaasi kula kulmaan Madaxweynaha Somaliland muuse Biixi Abdi ,Kulanka oo Seddex maalmood kahor lagu diyaariyey magaalooyinka Jabuuti iyo Adis Ababa waxaa horey Adis Ababa iyo Jabuuti isku Soo marey oo hadda Dalka jabuuti ku sugan Taliyaha NISA fahad yaasiin .

Kulankaan oo Afar Geesood ah waxaa kawada Qeyb Galaaya Ra,iisul wasaaraha itobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha jabuuti Ismail Omar Geelle iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Abdi ,Dalka Soomaliya waxaa kulanka uga qeyb galaaya Ra,iisul wasaaraha Soomaliya Hassan Ali Kheyre iyo madaxweynaha Soomaliya Mohamed Abdullahi farmaajo iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Mohamed Mursal sheikh Abdirahmaan.

Dadka Siyaasada falanqeeya ayaa ku tilmaamay arrin layaab ah in seddaxda masuul ee dalka ugu sareeya mar qura dalka ka wada safraan, xiliyada kala guurka waxaa caado noqotay in Masuuliyiinta dalka ugu wada sareeya aaminka dhexdooda dhamaado taaso keenta in shir hal masuul kaliya loogu tala galay si wadajir ah ugu qeyb qaatan.