Maxay ka wada hadleen Masaxweyne Farmaajo iyo Ra,iisal Wasaaraha Suudaan?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Ra’iisul Wasaaraha Suudaan,  Cabdullaahi Xamduuk.

Madaxweyne Farmaajo  ayaa uga tacsiyeeyay Ra’iisul wasaaraha iyo shacabka Suudaan dhibaatadii fatahaadaha ee ku dhufatay qaybo badan oo ka mid ah dalka Suudaan .

Madaxweynaha wuxuu caddeeyey in Soomaaliya garab Taagantahay  dowladda iyo shacabka Suudaan ee walaalaha ah si looga gudbo dhibaatadan adag ee heysato Shacabkaasi.

 

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan ayaa dhankiisa u mahadceliyay hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo tallaabadii Golaha Wasiiradda Soomaaliya uga dhaafeen dadka Reer Suudaan ee ku nool Soomaaliya khidmadaha socdaalka iyo ganaaxyada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com