Wasaarada Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka oo Wareejisay Deeq loogu Talagalay Dadka ku dhibaateysan Gobolada Sool iyo Sanaag

Munaasabad ka dhacday Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka BaarlabaankaSoomaaliya  ay ku gudoomeen deeq oo isugu jirta Dawo iyo agabka hoyga loo isticmaalo oo ay Wasaaradda ugu tala galashay in la gaarsiiyo dadka u baaha

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Cabdirashiid Maxmuud Xasan oo ka hadlay munaasabadda deeq wareejinta ayaa tilmaamay in Wasaaradda ka go’antahay in wixi tabarteeda ah ay la gaarto kuwa u baahan gargaarka

 

Deeqdan ayaa waxaa Wasaaradda ka gacan siiyay hey’adda qaxootiga ugu qaablsan Qaramda midoobay ee UNHCR, waxaana wasaaradda gargaarka ay  sheegtay inay kordhin doonto kaalmada la gaarsiinayo gobolladaasi, si looga jawaabo baahiyaha bini’aadanimo ee ka jira.

 “Wasaaradda waxa ay xoogga saareysaa sidii loo adkeyn lahaa awoodda bulshooyinka ku nool deegaannada fog fog si ay itaal ugu yeeshaan in ay iyaga iscaawinkaraan, iyada oo ay sidaasi tahay hadana waxaa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ay bixineysaa adeegyada asaasiga ah si loo caawiyo dadka u baahan gargaarka,” ayuu yiri sii hayaha wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Xildhibaan Cabdirashiid Maxmuud Xasan

 

Dhibaatooyinka ka dhasha isbadalka cimilada, sida fatahaadaha, abaaraha soo laalaabtay iyo kaabayaasha dhaqaalaha bulshada oo aan wali xoogaysan ayaa dad badan ku qasbaya wali inay ku tiirsanaadaan kaalmada bini’aadanimo ee hay’aduhu bixiyaan iyo kaalmada dawladda.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com