Faah Faahino ka soo baxaya Hawlgalo Ciidamada Dawlada Federaalka ay ka sameyeen gobolka Shabeelaha Hoose

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka  Soomaaliyeed  ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgal qorshaysan oo Ciidamadu ay Maanta ka Sameeyeen  Degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Qoraal ka Soo baxayTaliska ayaa lagu  sheegay in Hawlgalka lala beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumanayay nawaaxiga Degaanka Bariire halkaasna khasaare xooggan lagu gaarsiiyay.

Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Hawlgalkaas lagu dilay 12 dagaallame oo Al-shabaab ah kuwaas oo Degaanka ku dhuumanayay Waa sida ay hadalka u dhigeenee.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com