Masuuliyiin iyo shaqaale DF kamid oo Muqdisho maxkamad ka soo hor muuqanaya

Maanta waxaa lagu wadaa in maxkamada Gobolka Banaadir la horkeeno 10 Qof oo katirsan Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaliya oo uu ku jiro Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Dowlada Federaalka Sooomaliya ,

Dacwad Ooge katirsan xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka iyo Hey,adda CID ayaa diyaarshay cadeymo muujinaya Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Federaalka Soomaliya in laga dhacay oo la musuq maasuqey lacag tiradeeda lagu Sheegey 6 milyan oo Dollar.

Qof kamid ah eedaysanayaasha maanta lagu wado in la horgeeyo maxkamada Gobolka Banaadir ayaa kaligiisa lagu Eedeeyey 1,5 $ milyan.

Waxaa jira sidoo kale shaqsiyaad katirsan Wasaaradaha maaliyadda Kaluumeysiga iyo warfaafinta oo iyagana maxkamada Gobolka Banaadir lagu wado in la horgeeyo kuwaa oo ku eedaysan musuq maasuq.