Xog kusaabsan deeganada uu maanta booqanayo M/weyne Qoor qoor!

Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kusii jeedda degaano iyo degmooyin ku yaalla gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa lagu waddaa in maanta uu booqdo deganada kala ah  Bitaale, Bandarqaali,Qoryaweyn, iyo Afbarwaaqo.

Wafdi horudhac ah u ah Madaxweynaha ayaa gaaray degaanadaasi oo si weyn uga fog Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana xuduud la leh qaarkood dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa gobolka Mudug, halkaasi oo ay ka wadeen dib u habeynta Ciidanka maamulka Galmudug.