Dawlada Turkiga oo la sheegay in Ciidankeeda ay ka qayb qaadanayaan dagaalka ka dhan ka ah Alshabaab

Iyadoo Baarlamaanka Turkiga uu meelmariyay qaraar u ogolaanaya Ciidanka Turkiga in ay ka hawl geli karaan badda iyo berriga Soomaaliya ayaa ila xog Ogaal ah oo u waramay Warbaahinta aragti Cusub ayaa sheegay in Turkiga uu bilaabay in Dallka Soomaaliya uu ku soo daabulo baabuurta gaashaaman ee Ciidankiisa ay wataan si ay Hawlgalo uga Fuliyaan Soomaaliya

Turkiga ayaa u muuqda mid badalaya Ciidanka marayknka ee laga Soomaaliya  kuwaas oo Tababar siinayay Ciidanka Dawlada kana qayb qaadanaya Hawgalada dhinaca Cirka ah ee laga fuliyay Soomaaliya

 

Dawlada Turkiga ayaa dooneyso in ay ka qayb qaadato dagaalka dawlada Federaalka ay kula jirto Alshabaab .

Ma cadda ilaa hadda in ciidanka Turkiga ay si Toos uga qayb qaadanayaan dagaalka ka dhan aka ah Alshabaab balse Turkiga ayaa doonaya in uu xoojiyo Taageerada military ee uu siiyo Soomaaliya

Turkiga Xero mili tari Tii ugu weyneyd ku leh Soomaaliya waxaana Turkiga ciidanka gacanta ay ku haayaan goobo muhiim ee ku yaala Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com