Ciidamada Puntland oo xabsiga dhigay Mid ka mid ah Ganacsatadi maanta gadoodka Sameeyay.

Boosaaso,Ciidamada Puntland ayaa caawa xabsiga u taxaabay mid ka mid ah Ganacsatadii maanta gadoodka sameeyay.

Ganacsadahan oo lagu Magacaabo Nabad-doon, Cabdicasiis Axmed Beyle oo ahaa madaxa qeybta maacuunka ee Shirkadda OPEC.

Qaar ka mid ah ehelada ganacsadahan oo la hadlay Warbaahinta ayaa wal wal ka muujiyay xariga C/casiis Beyle.

Ganacsatada magaalada Bosaso ayaa maanta xiray xarumahooda ganacsi, iyaga oo sheegay iney ka cabanayaan canshuur dheeraad ah oo dowladdu ay ku kordhisay badeecooyinka laga soo dajiyo dekadda.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com