Qof qaba cudurka Coronovirus oo lagu arkay Magaalada Tromsø.

TROMSØ,Qofkii ugu horeeyay ee qaba Cudurka Coronoverus ayaa goordhaw lagu arkay Magaalada Tromsø ee ku taal Waqooyiga Norwey.

Saraakiil ka tirsan Hay,adda Caafimaadka dadweynaha oo goordhaw warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in la hayo qof qaba Cudurkaan.

Saraakiisha ayaa xusay in qofkaan uu dhawaan ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Shiinaha.

Qofka Cudurka qaba ayay hay,addu xustay in lagu karantiilay gurigiisa kadib baaritaan lagu sameeyay.

Cudurka Coronovirus ayaa haatan ah mid aad ugu sii baahayo wadamo ka tirsan Yurub.

Wixii Warar ah ee ku soo kordha kala soco www.aragticusub.com

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com