Sawirro:-Ciidanka Haramcad oo dad rayid ah ku soo qab-qabtay Magaalada Jowhar

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa afar nin ku bartilmaameedsaday Magaalada Jowhar, xilli ay hawlgal ka wadeen magaaladaasi, habeenkii Isniinta.

Raggan oo dhalinyaro ah ayay Ciidamada Haramcad kala daggeen mooto bajaaj, ay xilligaa ku dhex marayeen xaafadaha Magaalada Jowhar.

Ciidamada oo raggaasi baaritaan ku sameeyay ayaan wax hub ahi ka helin, iyagoona daqiiqado ka dib meel gees ah ula baxay, su’aalana weydiiyay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Haramcad ay afartaasi nin ula dhaqaaqeen xarumaha laamaha ammaanka ay ku leeyihiin magaaladaasi, si ay baaritaano dheeri ah ugu sameeyaan, haddii ay la xiriirinayaan in ay ka tirsan yihiin  Al Shabaab.

Ma cadda in raggaasi ay ka tirsan yihiin mintidiinta Al Shabaab, balse Ciidamada Haramcad ayaa lagu eedeeyaa inay xabsiyada magaaladaasi ku jirdilaan xubnaha ay la xiriiriyaan Shabaabka.

Dowladda Somaliya ayaa bishii October Ciidamada Haramcad geysay Magaalada Jowhar, xilli markaasi looga diyaargaroobayay soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle iyo Doorashada Madaxtooyada. Ciidamadan ayaana magaalada loo geeyay, si ay uga qayb qaataan xaqiijinta ammaanka.

Saraakiisha Haramcad ayaan iyagu ka hadlin dadka ay ku soo qabqabtaan hawlgalada Magaalada Jowhar, gaar ahaan kuwa lagu tuhmo inay qayb ka yihiin Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama iyo jirdilka lagu eedeeyo inay u gaystaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com