Hlkaan ka daawo Sawirrada Itoobiya oo dhiseysa Masaajidka Najashi oo dagaalka Tigreyga ku burburay

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay dayactir ballaaran ku samayn doonto Masaajidka facaweyn ee Al Nejashi, ka dib burbur ka soo gaaray dagaaladii Waqooyiga Itoobiya.

Masaajidka oo ka mid ah Masaajida ugu facaweyn ee Qaaradda Afrika ayay waxyeelo ka soo gaartay dagaalada daba-yaaqadii sanadkii hore ee 2020 ka dhacay Gobolka Tigreyga.

Minaarada Masaajidka iyo qaybo kaloo ka mid ah dhismaha Masaajidkaasi ayaa la sheegay inay madaafiic ku habsadeen.

Sidoo kale kaniisad ka ag-dhaweyd ayaa dagaalada ku burburtay, iyadoo Xukuumadda Addis Ababa ay sheegtay in sidoo kale kaniisadaasi la dayactiri doono.

Waxaa la rumeysan yahay inay Masaajidka Al Nejashi ku aasan yihiin qaar ka mid ah Saxaabadii Nebiga Muxamed (NNKH).

Masaajidka oo ku yaala nawaaxiga Magaalada Wukro oo qiyaastii 800km u jirta Magaalada Addis Ababa ayay dadka deegaanka rumeysan yihiin in ay dhiseen dadkii Diinta Islaamka soo gaarsiiyay geyiga Afrika.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com