Wararkii ugu dambeeyay qarax xoogan oo caawa ruxay Muqdisho

Qarax si weyn looga maqlay qaybo ka mida xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa caawa ka dhacay Degmada Waaberi ee bartamaha magaalada.

Qaraxa oo ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa ka dhacay Wadada 21-ka October, oo muhiim u ah isu socodka Caasimadda Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday gaari uu leeyahay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho), balse aanu xilligaa gaariga la socon.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in gabar wadada mareysay ay ku dhaawacantay qaraxaasi, inkastoo ay soo baxayaan warar sheegaya in markii dambe u geeriyootay dhaawacii ka soo gaaray qaraxa.

Ciidamada Booliska oo gaaray wadadaasi ayaa muddo kooban xiray, iyagoona ka sameeyay baaritaan amni xaqiijin ah.

Saraakiisha laamaha ammaanka kama aysan hadlin qaraxa caawa caweyskii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wadada 21-ka October oo ay si weyn u adeegsadaan Masuuliyiinta Dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ku soo noqnoqday qaraxyda ceynkani oo kala ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com