Norwey oo ku dhawaaqday in bari la qaadi doono xayiraadaha Wadanka saarnaa.

Oslo:- Dowlada Norwey ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in la qaadi doono xayiraadaha wadanka saarnaa sababo la xiriira faafida xanuunka COVID-19.

Ra,isul wasaare Erna Solberg iyo wasiirkeeda caafimaadka Bent Høie oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa go,aankaas ku dhawaaqay.

Waxaa ay sheegeen in maalinta bari laga bilaabo 16:00 galabnimo guud ahaan la qaaday xayiraadihii wadanka saarnaa isla markaana la qofku guriga ugu imaan karo inta qof ee uu u baahdo.

Sidoo kale waxaa la fasaxay in qofku tagi karo baararka lagu caweeyo habeenki xiliga uu doono.

Xukuumada ayaa wali bulshada ugu baaday in lagu dadaalo gacmo dhaqashada iyo waliba in marka qofku dareemo hergab uu ku nagaado guriga.

Go,aanka xukuumada ayaa imaanaya mudo 561 maalmood kadib nolosha bulshada Norwey si caadi ah ku soo laaban doonto,waxaana durba falcelin soo dhaweyn ah laga dareemayay bulshada qeybahooda kala duwan.

https://www.nrk.no/norge/fhi-og-helsedirektoratet-anbefaler-gjenapning-om-en-uke-1.15664558

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com