Yaa loo Magacaabay Wasaaradda Cadaalada ee Hoos tagta Hay,adda UDI-da?

Oslo,Ra,isul wasaare Erna Solberg ayaa maanta ku dhawaaqday Golaheeda wasiirada.

Golaha Xukuumada Cusub oo ka kooban 20-xubnood ayaa waxaa qeybsaday sedexda xisbi ee kala ah Høyre, Venstre iyo KRF.

Wasaarada cadaalada oo ah halka ay hoos tagto Hay,adda UDI-da ayaa waxaa loo magacaabay Monica Mæland oo ka tirsan Xisbiga Høyre.

Monica ayaa aheyd shantii  sano ee ugu dambeysay wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha.

Mar wasiirada wax laga waydiiyay qorshaheeda Wasaarada ayay sheegtay in arimahaas kala hadli doonto Ra,isul wasaare Erna Solberg.

Mudadi xilka wasaarada cadaalada hayeen Xisbiga FRP ayay wasaarada iyo qaabkii ay u shaqeyn jirtay hay,adda UDI-wax weyn ka badaleen xeerarkii qaxootiga.

Xeerarkas ayaa ahaa mid sameyn xoogan ku yeeshay Soomaali badan oo muda dheer qaarkood sugaya jawaabaha codsigooda daganaanshaha.

lama oga qorshaha cusub ee wasiirka maanta xilka wasaarada cadaalada la wareegtay la imaan doonto.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com