Wasaarada Waxbarashada DFS oo sheegtay in shahaado la siin doonin ardayda Puntland.

Muqdisho,Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abdullahi Goodax Bare ayaa shaaca ka qaaday in shahaado waxbarasho la siin doonin Ardayda Puntland.

Goodax ayaa xusay in Puntland wali ku adkeysaneyso in imtixaanaadka waxbarashada iyada qaadeyso taasina aheyn mid suurta gal ah.

”Puntland wali waxaa ay ku adkeysaneysaa in iyadu mas,uul ka noqaneyso imtixaanaadka deegaanadooda taasina ma aha mid macquul ah”ayuu yiri Goodax bare.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in imtixaanaadka dalka uu waajib ka saaran yahay dowlada dhexe gaar ahaan wasaaradiisa.

”Puntland waxay rabtaa in imtixaanaadka iyagu qaadaan shahaadadana aan inagu bixino macquul ma aha hada kadib ma bixin doono shahaado aan inagu qaadin imtixaankeeda”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dowladda federaalka iyo Maamulka Puntland ayaa wali muuqata in xal ka gaarin khilaafaadka dhanka imtixaanaadka wadanka ee laga qaado ardayda Waxbarashada.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com