Jarmalka oo shuruudo ku xiray dadka qaadanaya daganaanshaha wadanka.

Berlin:- Dowlada Jarmalka ayaa shuruudo cusub ku soo rogtay dadka dalbanaya degenaanshaha rasmiga ah ee wadankaasi.

Warqad ka soo baxday dowlada ayaa lagu cadeeyay go,aanada cusub ee la soo saaray.

Sharciyada cusub ayaa ah in qofka soo dalbanaya daganaashaha uu isa soo cadeeyo isla markaana baasaboor dhalashada wadankiisa uu la yimaad.

Go,aankaan cusub ayaa ka dhigan in qof walba oo dalbanaya daganaashaha tago safaarada isla markaana baasaboor aqoonsi ah ka soo qaato.

Durba dadka Soomaalida ee ku nool dalka Jarmalka ayaa shuruudan cusub aad uga hadlaya lamana oga shuruudaan cusub saameynta Soomaalida ku yeelan karto.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com