Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidamin ah oo kadhacay Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidamin ah oo goor dhow ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta Irida laga galo Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid xoogggan waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiray Askar iyo Shacab, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay ay aheyd meel inta badan ay ku hakadaan gawaarida ka hor inta aysan galin madaxtooyada si loo hubiyo.

Waxyeelo ayaa sidoo kale soo gaartay dad la socday iyo kuwo saarnaa Mootooyinka loo yaqaano Bajaajka oo wadada marayay.

Laamaha Ammaanka iyo Kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa goobta soo gaaray, waxa ay halkaasi ka qaadeen dhaawacyada  dadkii ay waxyeelado soo gaartay sidoo kalena waxa ay damiyeen dab ka kacay gaadiid qaraxa uu qabsaday.

Wariyeyaal tagay  goobta tagay ayaa indhahooda kusoo arkay labo qof oo Meyd ah iyo dhaawac Afar kale.