Lacagta Shilling Soomaaligaoo xiligaa kasii dabar go`ayso dalka.

Daraasadan ayaa daaha looga rogay dhibaatooyinka haysta lacagta dalka (Shilling Somaliga), oo qiimo beelay soddonkii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan sanadihii ugu dambeeyay.

Machadka Sidra oo daraasadan sameeyay ayaa lagu ogaaday in qiimo beelka ku yimid lacagta dalka ay ugu wacan tahay adeegsiga badan ee lacagaha qalaad iyo weliba lacagaha la isugu diro teleefanada gacanta.

Axmed Siciid Bille oo ka tirsan Machadka Sidra ayaa sheegay in daraasadan la sameeyay billihii October iyo November, laguna ogaaday in Shilling Soomaaligu uu halis ugu jiro in uu suuqa ka baxo.

Bur-burkii dowladii dhaxe kadib dadka soomaaliyeed ma helin Bangi xil iskasaaro cusbooneey siinta iyo xakameeynta lacagaha Shilinka oo aan helin habayaraatee ku kudhawaad 30-sano wax dayactir ah

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com