Deg deg booliska Puntland oo xiray Wariye Cumar Maxamed Soone.

Ciidanka Booliska ayaa caawa Garowe ku Xiray Wariye Omar Mohamed Soomane oo dhawaan ku biiray shaqaalaha Madaxtoyada Puntland.

Cumar Maxamed Soone ayaa ahaa Wariyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Booliska ayaa ku sheegay xarigiisa in uu ku eedaysan yahay baahinta warar been Abuur ah.

Wariya soomane ayaa sidookale ahaa wakiil wareedka tv-universal iyo idaacada Radio-kulmiye  waxaana dhawaan uu ku biiray madaxtooyada Puntland.

 

Xafiiska Wararka, Muqdisho 

Info@aragticusub.com