Deg deg Nabad Suggida oo xabsiga dhigtay Xasan Top.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Hay,adda Nabad Suggida Somaliya ay xirtay Xasan Top oo ka mid ah dhalinyarada caanka ka ah Youtobe-ka.

Saraakiil ka tirsan Hay,adda Nabad Suggida Somaliya, ayaa laga soo xigtay in ciidamada maanta duhurkii gurigiisa ay ka soo kaxeeyeen Xasan Top.

Lama oga sababta rasmiga ah ee Xasan Top loo xiray, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in su,aalo laga waydiinaayo shaqsi la tuhmaayo oo lagu Magacaabo Siidow Luggeel oo NISA ay xirtay.

Ninka xiray ee Siidow luggeel, ayaa la shaqeynaayay Xasan Top wuxuuna kala shaqeynaayay Barta Youtobe-ka.

Nabad Suggida Somaliya ayaa u muuqata inay Bartilmaameedsaneyso shaqsiyaadka caanka ka ah Baraha Bulshada si loo hadal haayo NISA.

 

Xafiiska Wararka, Muqdisho 

Info@aragticusub.com