Maxaa ka soo baxay kulanka Qoor Qoor iyo Axmed Madoobe?

Madaxweynayaasha  Maamulada Galmudug iyo Jublnad Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Labada Mas,uul ayaa Ka wada hadlay Xiriirka iyo Iskaashiga labada Dowlad Goboleed iyo sidoo kale Marxalada kala guurka ah Soomaaliya gaar ahaanna Arrimaha Doorashada.

Qoor Qoor ayaa sidoo kale horay ula kulmay Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kaas oo ay ka wada-hadleen wada-shaqaynta iyo xiriirka labada Maamul iyo sidoo kale Arrimaha Doorashada 2020- 2021

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com