Taliska Ciidanka Booliska oo soo bandhigay magaca shaqsi lagu Tuhmayo Kiiskii Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax

Hay,adaha Amniga Maamul Goboleedka Galmudug, ayaa Xalay hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxay ku soo qabteen eedaysane lala xiriirinayo, Kiiskii marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, oo todobadkii kufsi iyo dil loogu gaystay Muqdisho.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen. Sakiya Xuseen, oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Facebook, ayaa shaacisay in Laamaha Amniga Galmudug ay xalay Cadaado ku qabteen eedaysane Maxamed Ibraahim Cismaan oo 24-sano jir ah, kaas oo lala xiriirinayo Kiiskii Xamdi.

“Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay  goor dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Muqdisho falka ka dib” ayay tiri Gen. Sakiya.

Sidoo kale, waxay u mahadceliysay Laamaha Amniga Galmudug iyo Shacabkii gacanta ka gaystay soo qabashada eedaysanaha “Waxaan u mahad celineenaa shacabka Galmudug oo ciidanka boliiska ku gacan siiyay soo qabashada eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa”ayay sii raacisay.

Hadalkaan ka soo baxay Gen Sakiya oo ah Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska ayaa ku soo aadaya iyadoo Afhayeenka Ciidanka Booliska uu sheegay in la haayo 11ka Ruux oo lagu Tuhmaayo KKiiska Dilka Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.co