Waa Maxay Ujeedka Kulanka Muqdisho ku dhexmaray Gudoomiyaha Golaha shacabka iyo Madaxda Maamulada Hirshabeele iyo Koofur Galbeed?

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa hoygiisa ku qaabilay madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Kulanka madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur galbeed, Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ay la qaateen Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa looga hadlay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka.

Waare iyo Lafta-gareen ayaa maalmahaan  ka waday Magaalada Muqdisho kulamo siyaasadeed oo ay la qaadayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, siyaasiyiin, Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo xubno kale.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale  kulamo la qaatay Madaxweyneyaasha Galmudug, Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo ay ka wada-hadleen xiriirka Maamulada iyo Arrimaha Siyaasadda Dalka.

Muqdisho ayaa marti gelineysa shirar ay yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada, siyaasiyiinta iyo Madaxda kale Dawlada Federaalka Soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com