Dadkii Ugu caansana Soomaaliya ee u dhintay Covid19

Saameyn weyn oo ka dhalatay mowjad labaad oo cudurka Covid-19 ah ayaa muddooyinkan ka jirtay magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo saartay talooyin ay ka mid tahay in maaskarada wajiga la xirto si loo yareeyo faafitaanka cudurka oo galaaftay nolosha dad badan.

Ilaa saddex ruux oo ka mid ah dadka ugu caansanaa geyiga Soomaalida ayaa ka mid ah dadka dhawaan fayraska ugu geeriyooday gudaha dalka.

1- Ganacsade Xaaji Daa’uud Cilmi Cariif

Xaaji Daa’uud waxa uu Sabtidii Covid-19 ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Waxa uu ka mid ahaa ganacsatada magaca ku leh Soomaalida. Alle ha u naxariistee, wuxuu ahaa milkiilaha Hoteellada caanka ah ee Lafweyn iyo Ambassador ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa culimada Soomaalida ee dadaalka ku bixiyay xoojinta diinta Islaamka.

Xaaji Daa’uud waxa uu sanadkii 1942-kii ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee goibolka Hiiraan.

2- Faadumo Nakruuma

Fannaanadda caanka ahayd ee Faadumo Cali Jaamac (Nakruuma), oo kasoo mid ahaan jirtay fannaaniintii qaranka ayaa Axaddii magaalada Muqdisho ugu geeriyootay mowjadda labaad ee cudurka Covid-19.

Alle ha u naxariistee, Nakruuma waxay ku dhalatay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

1991-kii, markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayey u qaxday dalka dibaddiisa, hase yeeshee waxay dib u soo laabatay sanadkii 2018-kii, tan iyo xilligaasna waxay ku sugneyd Muqdisho.

3- Sheekh Nuur Baaruud Gurxan

16-kii bishan February ayuu Sheekh Nuur Baaruud Gurxan cudurka Covid-19 ee soo labokacleeyay ugu geeriyooday Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay sidoo kale ku wada geeriyoodeen Xaaji Daa’uud iyo Faadumo Nakruuma.

Sheekha wuxuu ka mid ahaa culimada ugu caansan Soomaalida gudaha iyo dibaddaba.

Waxa uu isagoo indhaha naafo ka ah muddo dheer ku howlanaa faafinta diinta islaamka. Inta badan noloshiisii wuxuu duruus kala duwan oo uu ku jiro tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah ka bixin jiray masaajidyada. Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa xubnaha iyo aasaaseyaasha hayadda culimada Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com