Maxaa ka cusub saaka Dhuusamareeb??

 

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa saaka ku booqday Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare Hooyga Magaalada Dhuusa Mareeb uu ka deganyahay, iyadoo booqashadani ay eheyd salaan iyo kala warqaadasho, waxaana kulanka Madaxweynayaasha Goob Joog ka ahaa Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Hirshabelle.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Dhusamareb ku booqday Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo uu martigaliyay.

Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa xalay ka dhacay kulamo gooni gooni ah oo loogu diyaar garoobayo shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada ee la filayo in uu saacadaha soo socdo ka furo Magaaladaas.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa si kala gooni gooni ah ula kulmay Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo uu martigaliyay.,kuwaas oo shirka ka qeyb-geli doona.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la kulmay Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare & Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed (laftagareen) isaga oo kala hadlay arrimo ku saabsan qabsoomida shirka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad ayaa sheegay in Shirka uu qabsoomay doono Jimcaha Maanta,isla markaana ay sidoo kale dhaceen shirar gaar gaar.