Taliska Ciidanka Booliska oo soo bandhigay Tirada shaqsiyaad lagu Tuhmayo in ay ka dambeeyeen Falkii Kufsiga iyo Dilka ahaa ee loo geystay Xamdi Maxamed Faarax

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in 11 Ruux oo lagu eedeynayo kufsigii iyo dilkii allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax loo xirey baaritaana uu ku socdo.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay waddaan baaritaano ku aadan falkaasi waxana uu ka codsaday shacabka inay kala shaqeeyaan ciidamada sidii lagu soo qaban lahaa dad kale oo lagu Tuhmaayo in ay  ku lug leeyihiin  kiiska Kufsiga iyo Dilka .

“Illaa 11 Ruux ayaa hadda gacanta booliska ku jira waxaana lagu hayaa baaritaan sidoo kale waxaan ku Raad joognaa dad kale oo la tuhmayo inay ku lug leeyihiin dilkii iyo kufsigii lagula kacay Xamdi Maxamed Faarax.”ayuu yiri Afayeenka ciidanka booliska oo maanta warbaahinta  la hadlay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com